Jump to content

User:Gasarland

From Wikipedia, the free encyclopedia

Gasar waa mid ka mid ah Qabiilada ku Abtirsada Kuush binu Xaam binu Nuux ee Deegaansada Geeska Afrika waxaana ay ka koobanyihiin Lix Beel oo waaweyn, Jufooyiin iyo lafo hoosaadyo hoosyimaada. Abtirka Gasarta waxa uu noqonyaa Gasar Guuleed Canshuur Ciise Sadaam Daa'uud Camar Axmad Xaarith Ashram Muxamed Yascaa Jaabir Yuusuf binu Xajaaj binu Eyman binu Cubeyd binu Sayid Al Xabashi binu Daaniyaal Aswad binu Amlak binu Baacuur binu Museyra binu Khubeyb binu Saabith binu Ascab binu Harari binu Xuseen binu Daa’uud binu Ciise binu Kancaan binu Dedan binu Raamah binu Kuush binu Xaam binu Nuux CS. Odayga Gasareed oo ah Wiilka labaaad ee uu dhalay Oday Guuleed Canshuur Magaciisa Saxda ah Waa Cumar Guuleed Canshuur waxaana uu dhalay lix wiil kuwaasi oo iyagan usii kala faracmay Beelo, Jufooyiin iyo Qoysas hoose waxayna kala yihiin:-

1. BEESHA KULMIS, waxay u kala baxdaa

2 lafood oo kala ah: A) Cambuure B) Yabar-gaab

2. BEESHA ASQAR, waxay u kala baxdaa

2 lafood oo kala ah: A) Cumar B) Soomane

3. BEESHA GAAGABOW, wuxu u kala baxa 3 lafood oo kala ah: A) Suufi B) Ayaanle C) Gadaf

4. BEESHA REER BULLOW, wuxu u kala baxaa 4 lafood oo kala ah: A) Idaale B) Reer Samow C) Reer Kudaad D) Reer Bahood

5. BEESHA YABAR, wuxu u kala baxaa 2 lafood oo kala ah: A) Yabadhaaale B) Barkad

6. BEESHA REER-HIIRAAN, wuxu u kala baxaa 2 lafood oo kala ah: A) Qoodow B) Shoomoy.

Qoodow wuxuu u kala baxaa 3 jufo oo kala ah:-

A) Reer Guutoy B) Reer Cabdi C) Reer Bashiir

Shoomoy wuxuu u kala baxaa 3 jufo oo kala ah:-

A) Reer Suufi B) Reer Guuwaale C) Reer Eeboy