Jump to content

User:Scshow

From Wikipedia, the free encyclopedia

Taariikh Nololeedkii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya Dr Maxamed Cali Xaamud

Waxaa magaaladda Melbourne ee dalka Australia uk geeriyooday mid ka mida wasiiradii ugu caansanaa Wasaaradda dowladii Kacaanka iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Xaamud.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Kacaanka ee Siyaad Barre, wuxuuna xilligii ugu danbeeyay ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cali Xaamud ayaa sanadihii 1988 ilaa 1991-kiid wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dowladdii Kacaanka, isagoo sidoo kale qabtay xilalka ⁠Wasiir ku-xigeenka Garsoorka iyo Diinta, ⁠Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo ⁠Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Burburkii kadib wuxuu mar kale noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladdii Cali Mahdi, kadiba wuxuu sanadkii 2000 ka mid noqday xildhibaannadii dowladda TNG ee lagu dhisay Carte.

Dowladii C/llaahi Yuusuf ayuu Dr. Xaamud sanadkii 2007 ka noqday Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka, kadibna sanadkii 2011 ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda.

Dr. Maxamed Cali Xaamud oo muddo xanuunsanaa ayaa la dhigay isbitaalka Northern Hospital ee magaalada Melbourne, halkaasoo uu ku geeriyooday 8-da July 2024.