Jump to content

User:Muxmmed

From Wikipedia, the free encyclopedia

Taariikhda Cilmi Nuur Faarax

Taariikh kooban oo ku saabsan Maayarkii ugu horeeyey Ee Magaalada Saylac - Hon. Cilmi Nuur Faarax Qabiilka uu ka Dhashay Waa (Ciise - Horoone) // 1960-1969 Maayarku wuxuu ku Dhashay tuulada Aasha Cado ee xeebaha Oo Ka tirsan Degmada Saylac sanadkii 1940kii wuxuuna wax ku soo bartay magaalada Diri Dhaba iyo Addis Ababa, wakhtigii gumaysiga xabashidu Ciisaha wax bartay ugaadhsanaysay ayuu u soo baxsaday xaga Soomaaliya ama deegaankuu ku dashay, dabadeedna waxaa laga dhigay duqa magaalada Saylac wuxuuna xukumayey Lughaya ilaa Boon oo hayd Zeila District. Dawladii kacaanka markay dhalatay ayuuna iskaga tegay, wuxuuna ka mid noqday aas-aasayaashii ururka dhaqdhaqaaqa xoreynta Jabuuti (LPI) ugu dambayn waxa uu ka shaqaynayay magaalada Jabuuti intii dambe ee noloshiisa. Alla ha u naxariistee, Cilmi Faarax Nuur, wuxuu ku Dhintay Jabuuti sanadkii 2007dii, waxa lagu xasuustaa mahadhooyinkiisa taariikhda galey, EE halgankii uula galay guumaystayasha faransiska, britishka iyo talyaaniga, waxa uuna ahaa Mujaahid halgamaa weyn ah oo ku suntan taarikhda umada Soomaaliyeed iyo tan beeshiisaba. Waxa uu aduunyada kaga tagay, Xaaskiisii, Hooyo Caasha Abdillahi Hadi (Caasha Gini) Labo wiil iyo Afar gabdhood iyo waxay siidhaleen oo kala jooga Yurub, America, Canada iyo Djibouti. W/Q: B Daher Sougeuh.