Jump to content

User:BEGEDI/sandbox

From Wikipedia, the free encyclopedia

TAARIIKHDA DHABTA AH EE QABIILKA BEGEDI==

[edit]

BEESHA BEGEDI waa beel kamid ah Beelaha aslaka ah ee ku abtirsada Odeyga AW-DIGIL, oo ah odeyga ey kasoo farcamee Qabaa’ilada lesku yiraahdo Hada Digil & Mirifle , Odeyga AW-DIGIL wuxuu dhalay oo Tafiirtiisa ah kuna abtirsada Todoba Odey oo kala ah:-

[edit]

1 – MAAD DIGIL 2 – DUUBE DIGIL 3 – DAGIINE DIGIL 4 – UWADOW DIGIL 5 – DUBDHERE DIGIL 6 – GEDLE DIGIL 7 - OSMAN DIGIL

 Waxaana Todobadaas [[( 7da  AW-DIGIL ) ee Dhabta ah, Si aan U Gaarno dulucda  Ujeedadeena, aansoo qaadano mid kamid ah todobada Oday ee uu dhalay  Aw-Digil, sida  Odeyga MAAD DIGIL oo ah Curadka wiilasha uu dhalay Aw-Digil, waxaan looyaqanaa  ( Maad Reewin  ama  Maxamed raxwiin )  Wuxuu dhalay afar Oday  ee Lakala yiraahdo :- ]]

1 – MIRIFLE MAAD DIGIL 2 - CALEEMO MAAD DIGIL 3 – JAMBALUL MAAD DIGIL 4 – BEGEDI MAAD DIGIL

          Afar taan odey Waxaa magac yadooda loo Jamciyaa oo loogu Dhawaaqaa    ( MUCAJABA ) Waxaana layiraahdaa ( Afar Reewin ) waana afartaas Odey iyo wixii ey dhaleen Asal ahaan Dadka ku abtirsada ( Reewin ), hadaan kasii Gudubno Aan Soo Qaadano Oday Kamid ah Owlaadii Uu Dhalay  MAAD   DIGIL , Aan soo qaadano Odeyga BEGEDI Oo ah Yaraanka  Afar Reewin ; 

ODEYGA BEGEDI - wuxuu dhaly oo tafiirtiisa ah Afar Wiil ama Odey oo lakala yiraahdo

1 – MAADTIRE > MAXMED BEGEDI MAAD DIGIL

[edit]

2 – JEEDDO > JABRIIL BEGEDI MAAD DIGIL

[edit]

3 - HAMAALE > CALEEY BEGEDI MAAD DIGIL

[edit]

4 - HUBSANE > XASAN BEGEDI MAAD DIGIL

[edit]

Waana Afartaas Odayaasha Asalka ah ee Ku Abtirsada uuna dhalay Odeyga BEGEDI, hadaan si faah faahsan uga hadalno mid midna usoo qaada Afarta Odey iyo tafiirtooda :- Waxey uqeeb samaan laba qeybood oo kala ah TOL WEYNE iyo YABADHAAL, ( MAADTIRE iyo JEEDO ) Waa Tol-weynaha Afarta Begedi ; ( HAMAALE iyo HUSANE ) waa Yabadhaalka Afar Begedi, Hadaan soo qaadano Tolweynaha  :- ( 1 ) ODEYGA MAXAMAD BEGEDI = ( MAADTIRE ) wuxuu dhalay MAATAY MAXAMED BEGEDI - Wuxuu Dhalay 3 Oday ee kala ah  :- 1 – Doohoole Maatay Maxamed 2 - Midoole Maatay Maxamed 3 - Abaale Maatay Maxamed Wana Sadexdaas Odey Kuwa Asalka ah ee ku Abtirsada Odeyga MAADTIRE .

( 2 ) ODEYGA JABRIIL BEGEDI = ( JEEDO ) Wuxuu dhalay XOWKAALE JABRIIL BEGEDI - wuxuu dhalay 4 Odey ee kala ah :- 1 - Afaay Xowkaale Jabriil 2 - Aadir Xowkaale Jabriil 3 - Dhamate Xowkaale Jabriil 4 - Somane Xowkaale Jabriil Waxaana leesku Dhahaa Afatooda ( AFAR XOWKAALE ) waana Afartaas Odey Kuwa Asalka ah ee Ku Abtirsada Odeyga JEEDO .

  Hadaan Iyagana mid mid Usoo qaadano Yabadhaalka Afarta Begedi oo Kala ah ( HAAMAALE  &  HUBSANE ) Aan Soo Qaadano – 

( 3 ) ODEYGA CALEEY BEGEDI = ( HAMAALE ) Wuxuu Dalay 1 - Gaaldhawe Caleey Begedi 2 - Geedow Caleey Bagadi 3 - Iskaale Caleey Begedi Waana sadexdaas Odey Kuwa Asalka ah ee Ku Abtirsada Odeyga HAMAALE.

( 4 ) ODEYHA XASAN BEGEDI = ( HUBSANE ) Wuxuu dhalay 1 - Barjeele Xasan Begedi 2 - Kulmidobe Xasan Begedi 3 - Birkaan Xasan Begedi 4 - Goborqabe Xasan Begedi Waana afartaas Odey Kuwa Asalka Ah ee Ku abtirsada Odeyga HUBSANE . Abtirka Dhabta ah ee BEGEDINA Waa sidaas, Hadaan sifeyno Qaab ahaan Tafiirta Begedi Waa Dad Gibil Madow ah Oo Asal ahaan AFRIKAAN ah, Waa na dad badidooda Tacbato ah sidoo kalena leh Xoolo dhaqato . DADKA AAN U DHALAN ASAL AHAAN BEGEDI EE SHEEGTA

       Hadaba waxaa kale oo jira  Dad aan Asal ahaam U dhalan  Kuna Abtirsan Odeyga BEGEDI,  oo Ku dhex Nool Begedi Dhaqan Ahaan, wexeyna U kala baxaan dadkaas Laba Qeyboo oo kala ah :-

QEEBTA KOWAAD - Waa Qeeb Dhaqan wadaag dhaw la ah Labada Qabiil ee YABADHAALKA Afar Begedi , waxeyna Kala Yihiin Qoosaska Lakala yiraahdo REER MACLIN & URAAWANE, Wexeyna labadaas reer ladagan yihii oo Korfuul ama Qadaw Ku yihiin Qabiilada HAMAALE & HUBSANE oo Labadaba Ah Yaraanka ama Yabadhaalka Afar BEGEDI, REER MAALINKA - Waxaa Dejiyay Qabiilka HAMAALI, asal ahana Wexey kasoo Jeedaan Sida Taariikhda Lagu Haayo, SHeekhaasha Degta Itiyobiya, Waxaana HAMAALAHA & REERMAALINKA Leesku Dhahaa Dhaqan Ahaan (Lama HAMAALE) Sidaas ayeeyna dhaqan ahaan Ku shegtaan Hamaale Iyagoon U Dhalan, URAAWANAHA - Waxaa isagana soo Dejiyay Qabiilka HUBSANE , Taariikh ahaan waa dad layimid wadaad layiraahdo AW-XINTIR wexeyna kala yimaadeen Itiobiya, Isaga ayaana Jameeco ahaan usoo watay oo kakeenay Etiophia, Waxaana taariikh ahaan Inta La Ogyahay Uraawanaha Asal Haan Kasoo Jeedaan Qabiilka URAAGADA Etiophia, Waxaa HUBSANAHA & URAAWANAHA iyagana leesku dhahaa Dhaqan ahaa ( Lamo HUBSANE ) Sidaas ayeey iyagana dhaqan ahaan ku sheegtaan iyagoon u dhalan , Xaqiiqada Taariiqdooda Dhabta ahna waa sidaas, Maxaa yeelay Dadka Uraawnaha Lama Degena Begediga Oo Kaliya ee wexey Ladegen Yihiin Qabiilo kale Sida GELEDIGA, Marwalbana Qabiilka ey Ladegen yihiin Ayeey Sheegtaan , QEEBTA LABAAD – Waa Dad iyakana kasoo Talaabay qaarada Aasiya ama Bariga Dhexe & Dalal Carab ah, waana sadax qolo oo iyakana lakala Yiraahdo ( ABAASAAD, ABAAJIBIL, iyo QURIILE, ) Sadaxdaas Qolo waxa lesku dhahaa ( SADAX GUMOOD ), Magaca Sadax Gumood Wuxuu Kamid yahay mucaahadooyinkii Odayaasha afar Begedi ey Lagaleen, Si ey ugu noolaadaan Degaanka Begedi, Waana Astaan muujineysa iney Asal ahaan U Dhalanin Begedi, Taasna ey Cadeyneyso iney Dhaqan kaliya kula Degen yihiin, Magac yada ey kala wataana ma aha Magacyo Ey Iyaga Horey U wateen ama ey iyagu Labexeen ee waa magacyo Odayaashii Dhaqanka Afar Begedi Ey kasoo Dhiraan Dhiriyeen, Xirfadahoodii shaqo iyo Magacyadii qaarkood ey sheegteen oo Looqaabeeyay si Taariiq ahaan aaney Dadkaas ugu Milmin Tafiirta Odeyga Begedi,

  Sadaxdaas QOLO ee aan soo Tilmaanay  wax dhalsho ah Kama dhexeyso isku Tafiirna  ma’aha iyagana, Hal marna Mawada imaanin Degaanka,  Odayaasha Dhaqanka Afar  Begedi ayaa Kumideeyey  magacaas  Sadex Gumood, Si aaney Ugu Dhex Milmin Tafiirta Afar Begedi, waxaana kamid ahaa Shuruudihii Lagu dejiyay iney Bixiyaan Jisyo Ama Canshuur, Si ey u helaan Meeley ku Xasilaan  Kuna Noolaan Karaan,  Hadaan Usoo noqono imaashadooda iyo qaababkii ey ku kala yimaadeen Hadaan mid mid usoo qaadano :-

ABAA-SAADKA – Sida aan Taariikhda Ku heyno Markii ugu Horeysay Waxaa Yimid Deegaanka Afar Begedi, Nin ka Ganacsada Alaabada ey Dumarka isku qurxiyaan, sida indha kuusha, falax falaxa, Baalfasaadka,Arjeegta, Kuusha iyo WLM, waxaana Ka muuqday Aathaar Carbeed, wuxuna ku hadlayay af-Carabi Gilkiisana wuu Cadaa, wuxuuna ahaa Garab rarato, Alaabta marka ey Ka dhamatana wuxuu Badeeco kale kararran Jiray Degaanka, Sida Galeyda, Sisinta iyo WLM, Unasafrin jiray dhinaca magaalo xeebedka Marka, wexeyna dadka ula bexee oo uyiqiineen Ninkaas ( Aw-Baal Fasaad gadow ) Mudo markuu sidaas ahaa, wuxuu melyar kafariistay magaalada Malable, oo uu asxaab ku yeeshay, Ganacsigiisana ku sii watey , waxaana alaabta ukeenijiray Ninkale oo isagana Oor uga Keenijiray Xeebta, Marka Alaab Kadhamaatana Wuxuu Dhihi Jiray ( Baajiib Aba Jamal ) oo uu ula jeeday, ( Kii Geelka Watay Ayaa keenayo ), dadka markii ey arkaan Ninkii Oorta Watay wexey ugu wici Jireen Oo u bixiyeen ( awaa Jamalow ) magacas yuuna can ku noqday isagana . ABAA-JIBILKA - Iyagana waxaa ugu soo horeeyay hal nin, oo ahaa ninkii Orta Badeecada Uga keenaayay Xaabta, oo geeynaayay goobaha ey ku ganacsanaayeen dadkii isaga kasoo horeeyay, ee joogay Carada Afar Begedi, ninkaas wuxuu ahaa nin Cad sidii kuwii kasoo horeeyay , balse wuxuu kaga gadisnaa qaab ahaanta, sida Indhaha, oo wuxuu lahaa indho midableh,in mudo ah kadib isagan wuxuu noqday nin caan ka ah deegaanka Afar Begedi waxaana looga yaqaanay ( awaa-Jamalow ) . QURIILAHA - iyaga markii ugu hoyeysan waxaa kayimid, tiro dad ah oo asagu jiray Rag, Dumar iyo Caruur oo Cadcad, waxana lagu qiyaasay ilaa iyo 13 qof Dadkaas ma aheen dad ganacsato ah oo ganacsi kuyimi, ee wexey ahaayeen qoos iswata, wexeyna weydiisteen odayaashii Begedi ee lakulmay in lacaawiyo oo la amaan galiyo, sidaas ayaana lagu soo dhaweyay, markii lawareestay, Wexey Odayaasha u Cadeeyeen iney Kasoo carareen Colaado Kadhacay Muqdisho eynna halkaan U yimaadeen Amaan iyo nabadgalyo iney ka helaan Degaankaan, marka laweydiiyay heebtoodana wexey sheegeen Iney yihiin Dadkasoo Jeeda ( REER BINU QUREYLE ) Markii intaas laga ogaaday, Ayaa waxaa Bilaabatay iney Odayaashii Dhaqanka Afar Begedi Iney Bilaabaan Iney Dib U Fiiriyaan Dhamaan Dadkii Cadcadaa ee Muhajirinta ku Ahaa Dhulka Begedi wexeyna bilaabeen iney Dib u Wareestaan oo weydiyaan Asalkooda iyo meelihii ey kasoo Tafiirmeen, intaas kadib Odayaashii afar Begedi wexey Bilaabeen Wada Tashi ey kaga arinsanaayaan sidii laga yeeli lahaa dadkaan cadcad ee muhaajiriinta ah, Odayaasha Afar Begedi iyagoo kaduulaaya Si aan Loo ISIR doorinin Ubadkooda, Laguna Milmin Asalka Tafiirtooda, maadaama dadkaan U yimid ey yihiin dad meele kala gadisan kasoo jeeda , Waxey go’aansaden odayaashii Afar Begedi markii ey wax badan tashadeen, 1) – in aan degaanka laga burinin, Maadaama ey yihiin dad nasoo magan galay si islaamnimo ahna loosoo dhaweeyo,

2) – in Qeeb kasta oo iyaga kamid Ahna magac u gaar ah loobixiyo si loogula xisaabtamo cid kasta wanaagii & xumaantii ey keensato,

3) – in loosameeyo Hal magac oo kulmiya Dadkaas, Siloo ilaaiyo in ey Tafiir ahaan ugu milmaan Afar Begedi, oo ey u muuqato iney yihiin dad aan ku abtirsan odeyga Begedi,

4) – in laga Qaado Zakada iyo Taakuleyn, Markasta oo ey Dagaalo ama Abaaro lasoo gudboonaadaan Degaanada Begedi, Maadaama aan iyaga dagaalada lagalineynin, Yihiina Marti ama Qadaw, Korfuul ku ah degaanka Afar Begedi,


5) – waxaa kaloo afar Begedi isla ogolaaden, in aanan qoladaan lagusoo darin, Labadii Qole ee Horey ugu Lamaaneed Yabadhaalka Afar Begedi , ee Kala Ahaa Reer Malinka, iyo Urawanaha, Balse Loosameey Xuduud aaney Ugu Milmi Karin Haamaale Iyo Hubsane, Waxaana Afar Begedi Go’aan Sadeen In La Dhoho , ( Lama Hamaale Iyo Lama Hubsane ) Si ey U Cadaato Iney Kala Yihiin, Dad Lasheegtay iyo Dad wax Sheegtay,

        Markii Afar BEGEDI u Dhamaaday wada Tashigoodii, waxaa La Isugu Yeeray Kulan Guud Dhamaan Intii Martida Aheed degaanka Waxaana Loo Jeediyay Go’aamadii ey Gaareen Odayaasha Dhaqanka Afar Begedi, Waxaana Dadkii Martida  ahaa  Loo Qeybiyay Sadax qeybood ama Kooxaad oo kala ah 
Kooxda Koowaad - Waxaa Hogaamiye Looga Dhigay Odeygii ey Dadku U Yiqiineen ( Aw-Baal Fasaad Gadoow ) Iyadoo Magacooda Lagasoo Dhiraan Dhiriyay Magacii looyaqaanay odeygaas , Magac U dhaw  Waxaana Loobixiyay Kooxdaas ABAA-SAAD, Si Loofahmo oo  Mugdi aan loo galin Raadka iyo Meesha Uu Kayimid Magacaas Mustaqbalka ayaa sidaaslooyeelay ;   

Kooxda Labaad - Waxaa Isna Hogaamiye Looga Dhigay Ogaygii Loo Yaqaanay ( Awaa Jamal ) Waxana Magacooda Lagasoo Dhiraan Dhiriyay Magicii Odeyga Hoganka loga dhigay Looyiqiinay Magac U dhaw, Waxaana Loo Bixiyay iyagana Kooxdaas ABAA-JIBIL, isna siloo Fahmo Raadka uu ku yimid ; Kooxda Sadaxaad - Waxaa iyagana Hogaamiye U noqday Ninkii markoodii Horaba hogaaminaayay oo Ugu weynaa, Waxaana Magacooda lagasoo Dhiraan Dhiriyay Sidii Labada Hore, Magicii ey iyaga Sheegteen markey yimaadeen Degeenke oo ahaa ( Reer Beni Qoreyla ) Magac U Dhaw, Waxaana Loo Bixiyay QURIILE , Si isagana raad kiisa loo ogaado, Kooxdaan Quriilaha ah Waa kooxda Sababta U aheed In Latuhmeesto Dhamaan Dadka kale ee iskala Noolaa Afar Begedi, Cida ey sheegteena ey aheed mida Afar Begedi ku Abuurtay Darenkaas ,

Markii Sidaas Cidkasta Loosiiyay Magac ey ugu Dhex Noolaan karto Deegaanka Iyo Dadka Begedi, ee ey martida ku yihiin, Ayaa Hadana Waxaa Sedexdooda Koox ( Abaa-Saad, Abaa-Jibil, & Quriile ) Lagu Kulmiyay Magac Dhaqameedka ( SADAX GUMOOD ) oo ey ku mideysan yihii sadexdooda, Waana Ogolaadeen Sidaas Ayeena Raali Uga Noqden AFAR BEGEDI iney Dadkaas Si Nabad Iyo Amaan ah Ugu Noolaadaan Dhul Kooda , Waxaana Odayaasha Dhaqanka Sidaas Usameeyeen Iney Ilaaliyaan Dhaqanka Iyo Dhaxalka Ubadkooda, Waxeyna Hor Istaageen oo ilaaliyeen inaan Si Fudud Loogu Milmin TAFIIRTA iyo ISIRKA Owlaada Ku Abtirsata Odeyga BEGEDI, oon Loo Dhaqan Gadinin. Waana Sidaas Taariiqda DHABTA AH ee BEGEDI, illaahey Haka Raali Noqdee Odayaashii Nasoo Gaarsiiyay ee Nagusoo Simay ( AMIIN ), Waxaana Taariiqdoo Dhameestiran Ka heli Doontaan Buugga Lamagac Baxay ( TAARIIKHDA ASALKA AH MADABOOLANTO MANA DUUGOOWDO ) , Buugaas Taariikhda Ah Wuxuu Si faah faahsan Uga Hadlaayaa in Badan Taatiikhaha Qabaa’ilada ASALKA ah ee Looguyimid Deganada Koofurta Soomaaliya Oo Leesku deyay Wax Badan in Laga been abuurto ama Laqriyo oo DAAH lasaaro Taariikhdooda Dhabta Ah Haduu ALLE Idmo ( INSHAA ALLAAH )

Waxaa soo minguuriyay oo Diyaariyay Suldaan C/Qaadir Suldaan C/Laahi XassanCite error: There are <ref> tags on this page without content in them (see the help page).