Jump to content

User:Baardhere

From Wikipedia, the free encyclopedia

== Taariikhda Baardhere, bardera, Baardheere, Bardere,

Horudhac taariikhda Baardheere

Taariikhda waa tusmada noolasha, cilmiga lagu garto ummadihii hore waxa ay ahaayeen iyo waxa ay soo qabteen. Waxaa noo soo gudbiyey halgan dheerna u soo galey dad qorayaal ah oo kala soo kulmey dhibaatooyin badan. Taariikhdu waxay na bartaa waxyaabihii soo dhacay sida horumarka, dagaalada, ilbaxnimada, akhlaaqda, caadooyinka iyo sababaha ummadaha ugu hormareen amaba dib u dhaca u keeney. Taariikhda waxay kaloo na bartaa culimada waaweyn oo ku xeeldheeraadey diinta iyo culuunta kala duwan sida adabka, siyaasada, fanka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Somalia waxay, nasiib darro, ka mid noqotey waddamadii la gummeystey. Gumeysiga immanshihiisa ka hor waxaa Somalia meelo badan oo ka mid ah ka jirey nidaamyo iyo ismaamul ay dadka Soomaaliyeed sameysteen raalina ku ahaayeen. Nidaamkii gumeysiga markii uu soo gaarey dalka Soomaaliya wuxuu ugu horeen burburiyey nidaamyadaas jirey, wuxuu qasey miisaankii iyo deganaashihiisi isagoo adeegsanaya "qeybi oo xukun". Wuxuu si aad isugu deyey in uu tirtiro raad taariikheedka dalka Soomaaliya uu lahaa iyo in uu baabi'yo isla markaana duugo meelaha magaca iyo sharafta leh ee dalka iyo dadka Soomaaliya.

Waxaa ayaan darro noqotey iyana in aqoonyahanka Soomaaliyeed qaarkii waqtiyadii xigey lagu barbaariyey falsafadaas, taas oo keentey daneyn la'aan taariikhda Soomaaliyeed waqtigii gumeysiga iyo maamuladii ka dambeeyey. Waxay hal-ku-dhig ka dhigteen wixii uu gumeysiga ka qorey Somalia. Taas aniga la yaab ilama ahan! Sababtoo ah markii uu gumeysiga yimid Somalia, shaqsiga Soomaaliyeed oo muslinka ah wuu iskala weynaa ama ka sariiganaayey in uu la shaqeeyo gaalka. Dhabcan wuxuu shaqaaleystey ama askar ka dhigtey dibjirka ku jirey mujtamaca Soomaaliyeed, dibjirkaas oo diinta iyo waddaninimada ku yareyd. Kaas unbaa oggolaan kara in uu u dhaqmo sida gaalka. Markii gaalada cabbaar joogtey waxaa soo baxay dad shaqaale u ah sida askarta oo u siciya ummadda iyo kuwo shibil ah oo u adeega. Marka aan soo gaabiyo, dadkaas oo aan aqoonin hab aan ahayn kan gaalka gumeystaha ayaa noqdey dawladii Somalia. Waayo markii ay imanayeen waxay xukunka ka boobeen culumada, markii ay baxayeen xukunkii looma celin ee waxaa looga tegey karaanigii, tarjumihii, adeegihii, askarigii iwm. Dalka Somalia wuxuu leedahay taariikh dhaxal gal ah, halgamaayaal fara badan oo dunida caan ku ah islamarkaana u soo hurey naf, maskax iyo maal dhisida iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa loo baahanyahay taariikhdaas na bareysa garashada noloshii hore ee dalka iyo dadka Soomaliyeed in la darso. Noolasha qofka waa mid aad u gaaban marka loo fiiriyo taxanaha noolasha aadamiga ay soo martey sida bilowga miro aruursigii, ugaarsatadii, dhulgoosigii iyo degaanka beraleyda iyo warshadeyntii si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Taariikhda magaalada Baardhere waa qeyb muhim ah ee taariikhda aan soo xusney ee Soomaliya. Taariikhahaas waaweyn haddii la ururin lahaa si qoraal taxane ah, waxay aad wax ooga tari lahayd kordhinta garaadka ummmada. Qormadan oo ku saabsan taariikhda Baardhere, beled iyo jameeco ahaanba, waxaan ka arkeyna in ay lehayd xukuumad iyo nidaam suurta geliyey in horumar la gaaro muddo dheer ka hor inta uusan imaan gumeysiga dhulkeena. Taas oo iyana na tuseysa in ummadda Soomaaliyeed ay lahayd nidaam ismaamul oo xor ah oo ay dadka ka qeybqaataan.

Magaalada Baardhere waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn ee ka sameysmey gudaha dhulka Somalia meel ka fog xeebta koonfureed isla markaana lahaa maamul xor ah oo iyada u gooni ah. Waxay ka tirsaneyd gobolkii loo yaqiiney Jubbada sare intii ay jireen maamulkii gumeysiga iyo dawladii rayidka ee ka dambeysey. Waxay ka mid noqotey gobolkii jubada dhexe muddo gaaban, markii xukuumadii militeriga abuurtey gobolo hor leh. Ka dib gobolka Gedo oo isbixin waayey dhaqaale ahaan ayaa lagu kabey. Halkaas ayeyna ka tirsanayd ilaa maamulki militeriga ka burburey.

Juqraafi ahaan Baardhere waxay ku taala inta u dhexeysa 2-3° woqooyi dhulbaraha (lool) iyo 42-43° (Dhigaha). Waxay u jirta xeebta Barawe qiyaas dhan 250 km. Cimiladeeda waa mid aad u kulul, taas oo u sahlineysa in saanadka oo idil beeraha laga faaideysankaro marka la istimaalayo waraabka beeraha. Nasiib darro biyaha oo dhulka ka hooseeya awgeed waxaa adag soo saarka biyaha waraabka beeraha marka aan la isticmaleynin matoorka biyaha. Baardhere waxay aad ugu hormarsantahay tacabka beeraha noocyadiisa kala duwan. Beeraha roobka oo laga soo saaro dalagyada intooda badan waa lafdhabarka dhaqaalaha. Waxay si gaar ah ugu caanbaxdey sannadihii dambe basasha iyo tubaakada oo loo iibgeyo gudaha iyo dibedda Somalia.

Magaalada aasaaskeed wuxuu ahaa baar weyn oo ku yaaley weyn. Magaca Baardhere wuxuu ka soo jeedaa laba erey oo kala ah baar iyo dheer. Baar waa geed inta badan ka baxa webiyada hareerahooda (magaca laatiinka waa Hyphaene). Baar wuxuu leeyahay manaafacaad badan. Wuxuu dhalaa miro loo yaqaano "qoono". Qoonada waxay ka koobantahay laf hoose, duf dhexe iyo xuub kore. Marka ay cayriinka tahay waa cagaar, marka ay bislaatana waxay leedahay midab dhiiga. Qoonada xuubkeeda kore iyo dufka dhexe waa la cunnaa. Waxay leedahay dhadhamo kala duwan sida macaan, qaraar, dhadhanlaaw; waxayna ku xirantahay nooca geedka iyo inta geedka webiga u jiro. Lafta hoose (sedka) ku jira waxaa lagu xardhaa xoolaha. Geedka baarka wuxuu bixiyaa laamo iyo caleemo. waxaana lagu dhistaa guryaha. Caleenta dusha ayaa laga saara, xajmigana baarkana waxaa laga dhigtaa tiir. Isticmaalka baarka waxaa ka mid ahaa in loo isticmaalo gaadiid ahaan. Tiirarka baarka oo dhowr ah ayaa inta la isku xiro loo isticmaali jirey in lagaga gudbo webiga ama lagu rarto alaabta sida doonta, gaar ahaan dhista guryaha iwm, waxaana loo yaqaaney Sablo.

Geedka baarka xajmigiisa iyo faracyadiisa marka la xoqo waxaa ka soo baxa dheecaan u eg midabka caanaha oo dhadhankooda macyahay marka ay cusubyihiin. Caanaha baarka waxaa loo yaqaana shalabow, waxayna socodsiiyaan sida la sheego caloosha haddii la cabo marka ay macyihiin. Marka caanahaas meel la dhigo in muddo ah dhadhankooda wuu isbedela, waana lagu sakhraama sida khamrada oo kale. Bilowgii lixdanaadkii waxaa fidey ku xadgudub iyo isticmaal


Asaaskii Baardheere == Ujeedada loo aasaasey magaalada Baardhere waxay ahayd in ay noqoto gole diinta islaamka loogu dhaqmo isla markaasna dadka loogu yeero lku dhaqanka iyo fidinta islaamka. Magaalada waxaa la aasaasey laba qarni ka badan muddo laga joogo. Taariikhda waxay ahayd 1761(!) sannadka miilaadiyada. Diinta islaamka waqtigaas ka hor ayey soo gaartey Somalia, gaar ahaan xeebaha dalka, laakiin saameyn weyn ma lahayn oo waxaa ka xoog badnaa dhaqannadii diinlaawaha ka harey. Waxaa jirey dhaqamo fusuq ah. Wadaado badan ayaa isku hawliyey, dadaalna u galey in ay wax ka beddelaan. Qaarkood ayaa xitaa la qaadey durbaanka si ay u soo jiidtaan. Waxaase iyana jirey culummo iyana ku tashadey in ay ka fogaadaan oo isaga haajiraan mar haddii ay wax ka qabanwaayeen. Arrintan waxay rasmi ah ugu qornayd oo laga akhriyey kitaab uu qorey Sheikh Cabdiyow "Khitamma bil khayr", waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa "mar haddii aadan fusuq wax ka qaban karin, Illah wuxuu ku amraya in aad isaga haajirtid". Arrintaas waxay qabsatey culimo badan oo ka guurey xeebaha, gaarsiiyey diinta islaamka gudaha dalka Somalia. Culimadaas waxaa ka mid ahaa Sheikh Ibrahim Xasan Yabbaro

Baardheere maxaa loogu bixiyey Magaalada aasaaskeed wuxuu ahaa baar weyn oo ku yaaley masjidka jaamaca. Magaca Baardhere wuxuu ka soo jeedaa laba erey oo kala ah baar iyo dheer. Baar waa geed inta badan ka baxa webiyada hareerahooda (magaca laatiinka waa Hyphaene). Baar wuxuu leeyahay manaafacaad badan. Wuxuu dhalaa miro loo yaqaano "qoono". Qoonada waxay ka koobantahay laf hoose, duf dhexe iyo xuub kore. Marka ay cayriinka tahay waa cagaar, marka ay bislaatana waxay leedahay midab dhiiga. Qoonada xuubkeeda kore iyo dufka dhexe waa la cunnaa. Waxay leedahay dhadhamo kala duwan sida macaan, qaraar, dhadhanlaaw; waxayna ku xirantahay nooca geedka iyo inta geedka webiga u jiro. Lafta hoose (sedka) ku jira waxaa lagu xardhaa xoolaha. Geedka baarka wuxuu bixiyaa laamo iyo caleemo. waxaana lagu dhistaa guryaha. Caleenta dusha ayaa laga saara, xajmigana baarkana waxaa laga dhigtaa tiir. Isticmaalka baarka waxaa ka mid ahaa in loo isticmaalo gaadiid ahaan. Tiirarka baarka oo dhowr ah ayaa inta la isku xiro loo isticmaali jirey in lagaga gudbo webiga ama lagu rarto alaabta sida doonta, gaar ahaan dhista guryaha iwm, waxaana loo yaqaaney Sablo. Geedka baarka xajmigiisa iyo faracyadiisa marka la xoqo waxaa ka soo baxa dheecaan u eg midabka caanaha oo dhadhankooda macyahay marka ay cusubyihiin. Caanaha baarka waxaa loo yaqaana shalabow, waxayna socodsiiyaan sida la sheego caloosha haddii la cabo marka ay macyihiin. Marka caanahaas meel la dhigo in muddo ah dhadhankooda wuu isbedela, waana lagu sakhraama sida khamrada oo kale.

Burburkii Baardhere (20 Sanno, 1835 -1854)

Ka dib markii Baardhere ay ku sifowdey golaha ugu weyn ee lagu fidiyo diinta islaamka, waxaa bilowdey in si aad ah loogu soo guuro.iyadoo ujeedadu ahayd: Doonis barasho islaam, nabbadgeliyada iyo xasiloonaanta, maciishada noolasha oo wanaagsaneyd iyo kala dambeyn ka timid xaq-garsoorka bulshada oo ku dhisan shariicada islaamka. Waxaa dhacdey in qof walba xaqiisa uu helo iyadoon wax laga dhimin, sharcigana aan la isugu naxariisan fullintiisa xitaa haddii ay noqoto ehelada qofka iyo caruurtiisa sida ay shareecada qabto.

Guulahan faraha badan waxay keeneen masayr, quuriwaa iyo xaasidnimo madaxa ka gashey madax deggan meel ka fog Baardheere oo uu horseed u ahaa xukunkii cadaadiska ku dhisan ee Yusuf Maxamud Geledi. Waxay arkeen in shucuubtooda ay u qulqulayaan islamarkaana u wareegayaan degaan ahaan degmada Baardhere. Waxay arkeen in ay ku timid khasaaro weyn oo dadkii ay isku haleynayeen siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba farahooda ka baxay. Waxaan shaki laheen markii ay arrimahaas dheceen, duruufahana aad ugu adkaatey, in ay ka fursan waayeen in ay maleegaan ama abaabulaan dagaal lagu soo qaado Baardhere, laguna burburiyo maamulkii islaamiga ahaa ee ka jirey, taas oo dibudhac weyn ku noqotey taariikhda Baardhere. Waxaa heshiis ku ahaa arrintaas madaxda kooxo kale. Waxaase abaabuley Yusuf Maxamed Geledi

Yusuf Maxamed Geledi: Suldaankii Gelediga:

Yusuf Maxamed Geledi wuxuu ka mid ahaa madaxda aan soo shegney oo goáanka ku gaartey in ay burburiyaan maamulka jameecada Baardhere iyo kan firqooyinka intaba. Arrintaas wuxuu u adeegsadey ciidama aad u fara badan oo laga soo ururiyey magaalada Afgooye iyo hareeraheeda. Sida la aaminsanyahay oo dadka ay ka sheekeyaan Yusuf Maxamud maamulkiisa wuxuu ahaa mid ku caan baxay farsamada sixirka. Wuxuu lahaa saaxiriin waaweyn oo dadka ku cabsi geliya sixirkooda.

Waxyaabaha ku kallifey Yusuf Maxamud Geledi in uu dagaal ku qaado oo uu burburiyo jameecada Baardhere waxaa ka mid ahaa sababaha soo socda:

1). Shacbkiisa oo in badan u kicitimey ama u haajirey baardhere iyagoo doonaya nabbad iyo caddaalad kana cararaya dulmigiisa iyo sixirkiisa.

2). Wuxuu waayey daqligii ka soo geli jirey dadka cararey iyo dhaqaale kale oo la xiriirey ganacsiga fool maroodi, tubaako iwm, kuwaasoo ay reebtey maamulka jameecada ka ganacsigooda.

3). Wuxuu ka baqey dhismaha koraaya iyo fidida maamulka islaamiga ah ee jameecada Baardhere, wuxuuna u arkey in ay halis ku noqoneyso boqortooyadiisa.

Markii ay u suuragashey Yusuf Geledi in uu ururiyo ciidan tiro iyo tayo leh, wuxuu amrey in la bilaabo weerarka jameecadda. Isla markiina waxaa la sheegey in uu ku dhaqaaqey inuu hirgeliyo farsamooyinkiisa sixirka. Wuxuu askartisa u diyaariyey, ayaa la yiri, gaadiidkii (geel iyo dameero) ay raaci lahaayeen. Waxaa gaadiidkaas dushiisa la saarey jawaano ay ku jiraan ciid guduudan. Waxaana askarta lagu amrey in ay jawaanada ciida guduudan ku fariistaan iyo in ay wejiyadooda u jeediyaan dhanka Afgoye marka ay gaadiidkaas korayaan iyo marka ay ka degayaan. Gaadiidka waxaa loo jeedinaya oo uu u soconaya dhanka magaalada Baardhere. Ujeedada arrintaas uu ka lahaa waxay ahayd xeel dagaal ku saleysan sixir, sidaas ayuu qunyar oo taxadir badan ugu soo dhowaadey degaanka Baardhere. Marka ay kuwa wax fiiriya Baardhere isku dayaan wardoon iyo ogaasho xaalada cadowga ku soo fool leh iyo meesha ay soo marayaan, waxay arkaan in Yusuf M. Geledi ay joogaan ciid guduudan oo aaney weli ka soo bixin Afgoye. Waxayna yiraahdeen ma suurageli karto in ay yimaadaan dhulkan madow. Taas oo loola jeedo ciida madow ee degmada Baardhere.

Waxaa markaas Baardhere joogey Sheikh Maxamed Adan Keerow oo ahaa wiil dhalinyarao ah, kuna dheertahay cabsida Rabbi, ku adadag jidka xaqa. Waxaa Illah u bandhigey oo uu arkey xaalada Yususf Geledi iyo ciidankiisa, dhagarta sixirkooda iyo khatarta ay ku haayaan jameecada. Sheikh Maxamed waxaa uu la socodsiiyey Sheikha jameecada xaalada Baardhere sida ay ku sugantahay iyo waxa uu la damacsanyahay Yusuf Geledi. Wuxuuna ka codsadey Sheikha iyo guddiga jamaacada ciidan xoog leh oo uu isaga hogaamiyo si ay ugu hortagaan una difaacaan cadowga inta aaney soo gelin beledka. Nassibdarro codsigii Sheikh Maxamed ma oggolaan maamulkii Baardheere, balse diidmo qayaxan uu kala kulmey.

Arrinta sidaas ayey ahayd illaa ciidankii Yusuf Geledi ay soo galeen magaalada Baardheere goor subax ah iyadoo jamaacada aaney u diyaargaroobin dagaal. Inta uusan soo gelin magaalada wuxuu amrey Yusuf Geledi in sixir lagu shubo webiga dhinaca waqooyi oo ay biyaha ka yimaadaan. Ujeedada sixirkaas wuxuu ahaa in qofkasata oo cabo biyahaas in uu sakhraamo, arrintana sidii uu rabey ayey u dhacdey oo qofkasta oo biyaha webiga cabey wuu sakhraamey!!!

Sidaas ayey ku fushey dhagartii Yusuf Geledi, ciidankiisana ku guuleysteen. Waxay galen magaalada dagaal la'aan iyo dhibyari. waxayna bilaabeen in ay dadka magaalada iyo tuulooyinkeeda laayaan illaa la waayo wax nool oo dhaqaaqa. Dagaalkii wuxuu ku dhamaadey iyadoo Yusuf Geledi uu ka guuleystey in uu burburiyo Baardhere in yar oo ka baxsatey marka laga reebo.

Markii uu hubsadey Yusuf Geledi in uu gaarey danihiisa burburinta iyo duduminta, wuxuu qorsheeyey in Baardhere mustaqbal dambe yeelanin oo dib bambe loo degin, dadkeeda wixii ka harey aaney ugu suurtoobin in ay dib u aasaasan. Wuxuu markale u laabtey aqoontiisa farsamada sixirka. Wuxuu magaalada bartamaheeda ku aasey dibi laba jir ah oo nool. Danaha uu ka lahaa aarintaas waxay ahayd:

1) In aaney u suuragelin in mardambe dib loo aasaaso Baardhere.

2) Haddii ay dhacdo in la aasaaso in dadka aan heshiis dhexmarin oo ay ku kala tagsanaadaan maslaxadooda iyo danahooda.

3) In aan heshiis dhexmarin oo lid-isku-noqoshada ku badato labada is-dhashey xitaa.

Magaalada Baardhere dagaaladaas ka dib waxay noqotey meel laga cararey oo ah duur aan la deganeyn. Geedihii ayaa dib u soo baxay, waxyna hooy u noqotey xoolaha duur joogta ah. Muddo 20 saanadood ka badan ayey Baardhere ahayd duur cidla ah, kadib markii ay soo ahayd goob cilmiga loo doonto, cadaalada loogu dhaqmo, magaalo weyn oo dhisan, sameyseyna xadaarad iyo horumar yaab leh.

Sheikh Cabdiyow iyo habeynta nidaamka maamulka jameecada

Sheikh Cabdiyow wuxuu soo nooleeyey islamarkaana adkeeyey nidaamkii is-maamulka jameecada oo uu billaabey Sheikh Cali Dhurre, uuna xoojiyey Sheikh Abiikar. Nidaamkaas oo ku dhisnaa in jameecada loo qeybiyo lix firqo. Wuxuuna ku dadaaley in dadka la mideeyo, cadaalad loo sinnaado, nabadgelyana ku noolaado shacbiga hoos yimaada maamulka jameecada. Wuxuu kaloo ku dadaaley in maamulka jameecada lagu saleeyo quraanka barakeysan iyo xadiiska Nabbigaiyo in sharciga siduu yahay loo qaado.

Sheikh Cabdiyow wuxuu sameeyey ciidamo ilaaliya ammaanka magaalada oo u dhigma boliis iyo kuwa kale oo u dhigma askarta loona adeegsan jirey in ay difaacaan xuduudaha degaanka waqtiga dagaalka. Ciidanka qabanjirey shaqada boliiska waxaa la oran jirey 'Shruudmo", waxay ka shaqeyn jireen magaalada gudaheeda iyo dibadeeda sida tuulooyinka. Marka ay qof soo qabtaan waxaa la hor keeni jirey guddiga maamulka magaalada Baardhere. Guddigaan waxay eegayaan nooca dembida, kadibna waxay u gudbinayaan maxkamada shareecada oo uu guddomiye u yahay ulul-Amraha. Maxkamada waxay qaadi jirtey dacwooyin nooc kasta sida arrimo dhaqale, bulsho iwm. Xukunka ama go'aanka maxkamada waxaa la gaari jirey marka lala tashado labada dhinac ay saameyso, odayaasha iyo culumdada. Dhismaha maxkamada wuxuu u dhowaa guriga Sheikha.

Baardhere iyo Dawladihii reer Yurub

a) Jarmalka: Waxaa jirey sahmiyayaal ka socotey dawladda Jarmalka oo u hoggaaminayey nin la yiraahdo Karl Von Der Decken una socotey sida ay sheegteen baaris juqraafiyadeed la xiriirta in ay helaan meesha uu ka soo aasaasmo webiga weyn ee Jubba (Decken, 1865). Waxaase run guud ah in sahmiyayaasha reer Yurub ujeedadooda ugu weyn ahayd khayraad doon iyo xog-ogaal noolasha bulsho-dhaqan-siyaasad-dhaqaale iyo difaac ee meelaha ay sahminayaan si ay ugu sahlanaato ujeedada gumeysi ee saldhiga u ah sahankooda. Waxayse inta badan sheegan jireen ujeedo cilmi-baaris iyo mid ganacsi.

Sahmiyayaashaas waxay la socdeen markab yar, waxayna sahankooda ka soo bilaabeen magaalada kismaayo sannadka markuu ahaa 1865. Meel kasta ay soo maraan waxay wareysi iyo xaqiiq raadin la sameynayeen dadka dhulka deggan oo aan tuhunsaneyn ujeedadooda, waxayna sameynayeen qoraalo faahfaahsan (Decken, 18??). Iyagoo safarkoodi si habsami ah ugu socdo, ayaa markabkoodi wuxuu ku dhacay qar weyn dhagax ah oo loo yaqaano ´Jendel´. Goobta waxay ahayd meel u jirta Baardhere in ku dhow 30 kilomitir.

Markabkii wuu burburey, dadkii la socdeyna waxaa arkey dad degganaa tuulo u dhow meesha hadda loo yaqaano Markabley. Dadkii markii ay arkeen in dadkan aan ku jismi ahayn waxay isku mashquuliyeen in ay fahmaan ujeedadooda. Runtii wixii dhacay lama yaqaan, waxaa suuragal ah isafgaranwaa in uu dhacay mise qabweynida caadada u ahayd gumeystayaasha reer Yurub in ay la soo baxeen sahmiyayaasha uu horkacaayey Karl Von Der Decken. Si kastaba waxay dadkii Soomaliyeed ee Markabley dileen laba qof oo ka mid ah sahmiyayaashas. Labada qofka la diley mid wuxuu ahaa hogaamiyihii Decken naftiisa, kan kalena takhtar la dhihi jirey Dr Linck. Intii kale way qabqabteen, waxayna ujeedadooda ahayd in ay laayaan dhammaan. Laakin sahmiyayaashaas warkooda wuxuu soo Ulul Amraha Baardheere, (sida uu qabo qoraalka Cabdulqadir Cabdiraxiim Sheikha Baardhere wuxuu ahaa Sheikh Cabdiyow; qorayaal ajnabi ahna sida Bottego wuxuu qiyaasey in ay ahayd waqtigii Sheikh Maxamed Yusuf). Sheikha midkuu ahaadaba wuxuu ka codsadey reer Matagassile in dadkaas dhib dambe loo geysanin, islamarkaana si degdeg ah loogu soo raro Baardhere. Sahmiyayashii intoodi kale nabbad ayey ku soo gaareen Baardhere. Sheikha wuxuu dadkaas raaciyey wakiilo ka tirsan jameecada Baardhere si ay u gaarsiiyaan magalada Kismayo. Xaakimkii maamulkii ka jirey Kismayo markii uu maqley sahmiyayaasha warkoodi iyo sidii loo soo badbaadiyey inta nool iyo taakuleyntii loo geystey, wuxuu sheekha jameecada u soo direy warqad abaal sheegasho iyo mahadcelin ah.

b) Talyaniga: Magaalada Baardhere waxay gaartey horumar dhinacyo badan leh. Magaalada waxay ku caan baxdey ku dhaqanka iyo fidinta diinta islaamka iyo nidaam dawladeedka jameeciga oo ay magaalada ku dhaqanto. Nidaamkaas oo meelo badan oo dunida ka mid ah laga maqley. Geeridii ku timid Decken ka dib, Baardhere waxay noqotey meel gaalada ku soo degdegin oo aad looga cabsado. Kuwii u suurtagashey in ay tagaan Baardhere waxay ku joogeen dareen cabsi iyo taxadir. Sida caadadooda ahayd marka ay dhulkooda yimaadaan waxa ay qoreen ma ahayn waxa saxa ah balse waa wixii ay soo fahmeen ama sidii ay wax u garteen amaba jeclaayeen in ay ahaato, illayn ma jirin qof qalinka la haysatey oo saxeysey waxa ay qoreen. Dunnida waxay ku arkaayeen indhaha iyo dhaqanka dalalkooda.

Sannadkii 1891 wakiilkii Talyaanniga degmada Luuq, Ugo Ferrandi wuxuu ka soo baxay Barawe isaga oo u soo socda Baardhere. Markii uu soo gaarey degaanka Mansuur (see map) oo Baardhere u jirta qiyaastii 25 km ayay Reer Mansuur ku qasbeen in uu dib u noqdo. Dawladda Talyaaniga oo markaas joogtey qeybo ka mid ah xeebaha dalka Soomaliya sida Marka, Barawe iyo Kismayo waxay u soo dirtey fariimo codsi oggolaansho ay Baardhere ku yimaadaan Sheikh Cabdiyow taasoo tilmman u noqoneysa aqoonsiga dawlada Talyaaniga nidaamka maamul dawladeedka ee ka jirey Baardhere waqtigaas. Muddo ka dib waxaa soo gaarey carriga Baardhere laba qof oo Talyaani ah oo lakala yiraahdo (Keyri iyo Mussi). Ujeedada safarkooda waxay ahayd ganacsi sida ay sheegeen oo oggolaanshaha lagu siiyey, waxayna ku negaadeen Baardhere iyo tuulooyinka la xiriira muddo seddax bilood ah. Waxay daraasaad ku sameeyeen xaalada ganacsi ee meesha ka jirta. Waa la soo dhoweeyey in ay ganacsadaan, kadibna waxay ku laabteen goobihii ay ka yimaadeen. Xiriirka Sheikh Cabdiyow iyo dawlada talyaaniga ma ahayn mid waqti dheer, waayo Sheikh Cabdiyow muddo yar ka dib wuu geeriyoodey.


Fidinta diinta islaamka waqtigii gumeysiga Faafidii diinta islaamka ma joogsan waqtigii gumeysiga balse si xoog leh ayey u sii fidey. Taas waxaa marqaati u ah badashada dugsiyada lagu barto qura'anka iyo macalimiinta ugu fahma badan oo dooranayey in ay sii wadtaan barashada quraanka, axaadiista iyo culuunta kala duwan (sida axkaamta, mihaaj-al-dhaalibiin, Irshaad, Sifiinatu-al-najaati, Muqna iyo Towxiidka). Kutubada aan soo sheegney dhammaan waxaa lagu galaayey (akhrinaayey) masaajidka jaamaca weyn ee Baardhere. Danaha laga lahaa waxay ahayd in la faafiyo barashada iyo ku dhaqanka faracyada shareecada islaamka (sida caqidada, salaada, soonka, sakada, xajka, beeca, nikaaxa, jaraaxada iwm). Kitaabada waxaa la geli jirey subaxdii hore (marka qoraxda soo iftiinto) iyo duhurkii (inta u dhexeysa salaadaha duhur iyo casar). Salaada maqrib ka dib waxaa la akhrin jirey faraail. Waxaa jirey maulucyo loogu talagaley in lagu dhaalacdo kitaabada isla-markaana la seexdo.

Ardada wax ku barata Baardhere waxay ka kala imanayaan degaano kala duwan oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu degto (ay ku jirto Somali galbeed). Ardadaas waxaa loo yaqaana xir (oo macnaheeda yahay qof aan ujeedo kale lahayn aan ahayn barashada diinta, xirta=wadar). Marka xir uu bilow yahay oo uu ku cusubyahay magaalada, wuxuu marka hore iska diiwaangelinayaa Sheikha uu rabo in uu wax ka barto (registration). Sheikhaas ayuu u sheegayaa xaaladiisa, waxa uu rabo in uu barto, heerka uu damacsanyahay in uu ka gaaro, xaaladihiisa dhaqaale iyo bulsho iwm. Sheikha wuxuu arrintaas la socodsiiya weliga magaalad (Ulul Amri). Weliga magaalada wuxuu markaas ugu baaqayaa xubnaha jameecada in la xiriiriyo xirkaas oo loo kafaalad qaado hooy iyo cunto inta waxbarashadiisa u socoto. Habkaan aan soo sheegney waxaa loo yaqaanaa Tacluuq ama `jil`. Caadada noocaas ah inkastoo ay gabaabsi tahay weli ma dhamaanin. Ardada waa la fasaxaa marka lagu jiro xilliyada hawl-beereedka si ay tacbka ooga qayb qaataan. Waxaa caado ah in ardada goob (wadajir)ku falaan beerta sheikhooda, jameecada.